MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maxmada Ciidamada Qalabka sida ee Dowlada Somalia ayaa la soo taagay Askari dilay saaxiibkiis ay shaqa wadaag ahaayen sidoo kalana ay guri isla daganaayeen ,waxayna xeer ilaalintu soo gudbiyeen eeda ah inuu kas u dilay waliba iyadoo la leeyahay ha dilin uu toogtay.
Eedeysane C/salaan Axmed Cabdi (Awqudub Ordaaye) ayaa la sheegay inuu aad uga ceyesnaa lacagtii mushaarka oo qamaar looga cunay kadibna muran soo kala dhex galay isaga iyo Marxuum Anas Maxamed uu sababay inuu toogto kadibna uu is dhiibo.
Dilka wuxuu ka dhacay Degmada Kaxda 26 Maarso 2026 xili eedeysanuhu ku doodayo inuu kas dilka u geystay balse ay kama ahayd ,walow goob joogayaal ama marqaatiyaal ay maxkamada ka hor sheegeen inuu dilay iyadoo marxuumku uu leeyahay ha i dilin.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

