HomeWarkiiMaxkamada Ciidamada oo maanta dhageysatay dacwad loo heysto Askar dhac iyo dhaawacba...

Maxkamada Ciidamada oo maanta dhageysatay dacwad loo heysto Askar dhac iyo dhaawacba u geysatay dad shacaba.

No description available.MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya waxaa maanta ka soo muuqday sedex eedeysane oo dhamaantood ka tirsan ciidamada Milateriga kuwaasoo ku eedeysan fal dhac ahaa iyo waliba dhaawac halis ah oo ay u gaysteen nin Moota-bajaaj watay.

Dhibane C/kariin Ibraahim Caddow oo watay moota-bajaajta waxaa si gaar ah u toogtay mid ka mida sedexda eedeysane kaasoo xabad AK 47 ah kaga dhuftay madaxa,wuxuu soo maray xaalado kala duwan oo koomo ay ku jirto ilaa hadana waa dhimane lafihii ka jabay madaxiisa ay dhanka maskaxda u degeen.

Eedeysanayaasha Maxkamada ka soo muuqday waxay ka wada tirsan yihiin Ururka 3-aad guutada 27-aad ee Ciidamada Gun-gaar waxayna kala yihiin:-
1-Dable Xoogga Xasan Ibraahim C/laahi
2-Dable Xoogga Hanad Nuur Maxamed
3-Dable Xoogga  Mahad Maxamuud Salaad

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa ku soo eedeeyay sedexdaan askari inay ka talaabeen xadka awooda sharciyeed ee  ciidanimo ayna awoodooda u istaacmaaleen si qaldan islamarkana dhigteen isbaaro wadada isku xirta Muqdisho io Balcad.

Dable Xoogga Xasan Ibraahim C/laahi waxaa si gaar ah loogu heystaa inuu yahay aksariga dhaawaca culus gaarsiiyay dhibane C/kariin Ibraahim Caddow halka dhamaantood ay iskula eedeysan yihiin inay Mobile ka dhaceen nin mootada saarnaa.

Guud ahaan eedeysanayaasha markii fursad loo siiyay inay hadlaaan waxay isku difaaceen inaysan dhac u socon balse roob da’ayay darteed ay doonayeen inay mootyada raacaan sidaasna is faham daradu ku timid.

Si kastaba Gudoomiyaha Maxkamada ayaa dhageysiga soo xirey isagoo sheegay inay dib go’aan ka qaadan doonaan ay xukunka ridi doonaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMNo description available.No description available.No description available.No description available.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -