Xamsa Jeylaani Cabdullaahi oo ah 23 jir ku eedeysnaa inuu ka tirsan yahay Alshabaab ayaa maanta lagu xukumay dil toogasho ah marii la soo saaray maxkamada Ciidamada qalabka sida.

Advertisement

Wiilkaan gacan ku dhiiglenimada loo heysto  waxaa lagu soo eedeeyay inuu hore u dilay Marxuum Xasan Cusmaan Cali oo ahaa taliyihii Ciidanka nabad-sugidda deegaanka Buufoow-bacaad ee Gobolka Sh. Hoose.

Maxkamadu mar ay ka hadleysay qaabka dilku u dhacay ayay sheegtay in Xamze uu miino ku xirey gaariga Taliye Xasan Cusmaan Allaha u naxariistee sidaasna uu ku dhintay markuu qarxay gaarigu.

Maxkamadaan ayaa qaas u ah ciidamads Dolada iyo kuwa Alshabaab mana qaado dacwo dad shacaba quseysa.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here