Maxkamada Ciidamada Qlabka sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa saaka u fadhiisatay dacwad loo heysto nin ku eedeysan inuu ka tiran  yahay Alshabaab.

Ninkan oo lagu magacabo C/wahaab ayaa ku eedeysan inuu shaqooyin badan u qabto Ashabaab balse hada lagu soo qabtay isagoo iska dhigaaya Bajaajle.

Advertisement

Xeer ilaaliyaha ayaa maxkamada ka sheegay inuu C/wahaab hore waalidiintiisu uga wacdiyeen Al-shabaab kadibna loo direy Dalka kenya si uu halkaasi ugu noolaado balse uu mar dhaw dib ugu soo laabtay dalka.

Eedeysanaha wuxuu doortay inuu sii wato shaqooyinkii Alshabaab sida xeer ilaalintu shaaciyeen islamarkaana isaguba uu qirtay inuu Alshabaab ka tirsan yahay.

Xeer ilaalinta waxay fadhiga ka sheegeen in hada ka hor lagu xirey Baladweyne islamarkaana Nabadoonkiisa uu ka sii daayay xabsigii Baladweyne.

Waxaa sidoo kale maxkamada la hor sheegay in C/wahab uu shabaab ugu qaabilsanaa kala gudbinta qaraxyada iyo adeeg kasta ay u baahdaan madaama uu wato Bajaj iyada lafteeda ay xeer ilaalintui sheegtay inay Alshabaab u iibiyeen.

Ugu danbeyn Gudoomiyaha Maxkamada ayaa ku dhaawaqay inay maxkamada xiran tahay dibna ay go’aan ka gaari doonaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILCOME

Previous articleDAAWO VIDEO: Dab kale oo Saaka ka kacay guri ku yaal Degmada Yaaqshiid
Next articleMuqdisho: Ganacsade Ciidamada Sordoonku kala baxeen Xaruntiisa Ganacsi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here