MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Sida Warbaahina Dowlada lagu shaaciyay Saaka Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlada Somalia ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay laba nin oo Alshabaab ka wada tirsanaa kuwaasoo dilal hore u geystay.
Maxkamada Ciidamada ayaa ku heshay Xasan Cali Iftiin Buule (Gacmey) iyo Xasan Cali Ibraahim Maxamed Axmed {baari, biibaaye, sacad} inay Muqdisho ka geysteen dilal & qaraxyo sidaana ay dil ugu xukuntay, ugu danbeyna saaka lagu fuliyay dilka markii tiirka la geeyay.
Sida warbixinta Maxkamada ku jirtay labada nin ayaa Muqdisho ka gaystay gumaad ka dhanka ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed.
XAFIISKA WARARAKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

