Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa u fadhiisatay dacwad la xiriirtay dil iyadoo xukuno kala duwan riday.

Maxkamada Ciidamada waxaa la hor keenay eedeysane Shariif Abshir C/raxmaan Jaamac kaasoo dil bareer u gaystay marxuum Saciid Cabdi waxaana lagu xukumay dil qisaas ah u ah marxuumka.

Advertisement

Eedeysane Shariif waxay maxkamadu ku cadeysay isagoo askari Dowladeed ah  inuu si kas ah rasaas ugu furay  askari kale markii uu isicmaalay waxyabaha maanka dooriya.

Sida xeer ilaaliyaha ku xigeenka uu cadeeyay marxuumka ayaa damcay inuu askariga ka celiyo rasaas uu dad shacaba ku ridayay taasoo keentay in  la dilo marxuum Saciid Cabdi.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 21-aad Gashanle dhexe C/laahi Abukar Xasan ayaa goobta ka aqriyay go’aanka maxkamada isagoo ku dhawaaqay inay dil toogasho ah ku xukumeen eedeyane 22 jir Sharif Abshir C/raxmaan Jaamac  taasoo noqoneysa qisaasta marxuum Saciid.

Sidoo kale Gudoomiyaha wuxuu  xukun hal sano xabsi ciidan ah ku riday eedeysane Mursal Canjeex oo 23 jir ah  markii lagu soo eedeeyay qal-qal gelin dhanka amniga ah.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleWararkii ugu danbeeyay Saaka Deegaanka Ceel-la helay kadib dagaaladii shalay galab ka dhacay
Next articleShariif Sh.Axmed “Talaabada ay qaadeen wiilashii ku shahiiday Galmudug waxay cadeyn u tahay in dadka Soomaaliyeed soo gaareen heer ay Caddowga iska dhicin karaan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here