Cumar Cali Axmed oo dhawaan sheekadiisu qabsatay baraha bulshadu ku xariirto ka dib markii ay isku qabsadeen laba reer ayaa maanta Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ay go’aan ka gaartay kiiskiisa.
Cumar ayaa ka mid ahaa dhalinyaro ku dhaawacantay qarax ka dhacay xerada Nacnaca xilli loo qorayay ku biirista Ciidanka Qaranka.
is qabqabsi kadib, baaris ay sameeyeen CID-da iyo Maxkamadda Ciimada qalabka sida ayaa wiilkaan si rasmi ah ugu wareejisay Reerka Wiilkaan oo la cadeeyay inay dhaleen Reer Cali ahmed.
Maxkamadda Ciidamada ayaa caddeysay in Wiilkaan dhibanaha u ah Qarax Khawaarijtu u geysatay isaga iyo saaxiibadiis sannadkii 2022 uu yahay Cumar Cali Axmed sidaas ayaana loogu wareejiyey reerkiisa.
Go’aanka Madaxda ayaa yimid kadib in kabadan 3 Todobaad oo la sugayay natiijada Baaristii Dheecaanka hidda raaca (DNA).

May be an image of 1 person

Previous articleAfhayeenka Maamulka G/banaadir oo ka hadlay qarax maanta la fashiliyay
Next articleTahriibayal Soomaaliyeed oo dhibaato xooggan ay ka soo gaartay xadka Russsia iyo Belarus

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here