HomeWarkiiMaxkamada Ciidamada oo xukun ku riday Askari hore u dilay Sarkaal Ciidan

Maxkamada Ciidamada oo xukun ku riday Askari hore u dilay Sarkaal Ciidan

May be an image of 2 people and textEedeysane Dabble Xoogga Cabdikhaddar Nuur Cismaan Khaliif (Cadde-Goobe) ayaa lagu soo eedeeyay dil bareer ah uu u geystay Marxuum Ex – Seddax Allifle Xoogga Nasrudiin Cabdi Yusuf Sargaal Xigeenkii Military ga ka Tirsanaa, Halka Cabdulaahi Cabdiraxmaan Xaashi (Dhacsade) isna lagu soo eedeeyay gacansiin dambi.

Shan iyo labaatankii Bishii August ee Sanadkaan habeen xili damba ah ayee ka soo wada baxeen Cabdikhaddar iyo Cabullahi Degmada Xamarweyne ka dib isticmaalka noocyo kala duwan oo Maandooriye ah.

Mooto bajaaj la soo raacay ka dib waxaa looga dagay Wadada Buula Xuubeey ee Degmada Wadajir waxaana halkaas la dhigtay Isbaaro iyadoo la iska dhigaya Cutubyada U idman Hubinta Gaadiidka Dadweynaha ee ilaalada Shacabka.

Waxa goobta soo gaaray Marxuumka oo yamid guriga saaxiibkiis waxaa la istaajiyay Mootadii uu saarnaa ka dib Is qabsi Darnaa is ka diidida u hogaasananta awaamiirta lagu matalayo laamaha Amniga ee Isbaarada ah uuna Bixinayo Gacansiiye Eedeysane Cabdullaahi DhacsadeKadib eedeysane Cabdukhaddar Cadde-Goobe Waxaa uu si daran Doori ah Sadax Baalooto kaga Riday Qoraygiisa AK 47 Oo kelidda iyo jilibka Midig Uga Dhacday Marxuum Nasrudiin Cabdi Yuusuf taas oo keentay in uu Go’ Xididka halboolaha dhiiga ugu danbeyna uu u dhintay Xabadahaas.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday labaatan iyo kowdii Bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta Maanta ku xukuntay Ex-Dable Xoogga Cabdikhaddar Nuur Cismaan Khaliif (Cadde-Goobe) Dil Toogasho, ahna Qisaasta Marxuum Ex- Seddex Alifle Xoogga Nasrudiin Cabdi Yusuf, halka Cabdulaahi Cabdiraxmaan Xaashi (Dhacsade) isna lagu xukumay Shan Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -