Muqdisho (dayniile.com)-Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday sedex rag  iyo Hal Dumar ah oo ku eedeysnaa la shaqeynta Alshabaab.

Cawil Aadan Jaamac waxaa lagu soo eedeeyay inuu basaas u ahaa Al-shabaab islamarkaana uu xogta uga soo gudbiyo ciidamada dowlada iyo dhaq dhaqaaqyadooda.

Cawil ayaa qirtay eeda loo soo jeediyay isagoo sheegay inuu kaliya u qaabilsanaa xogta meeshii loo diro inuu ka keeno.

Cawil wuxuu ku dhashay Gobolka Sool, wuxuu ku bar baaray gobolka Sh.hoose,wuxuuna Alshabaaba kaga biiray hadana uu degan yahay Muqdisho Degmada Yaaqsjiid.

Eedeysanayaasha halka dumar ee ku dhex jirta waxaa lagu magacaabaa Xaawo Cusmaan waxay ku dhalatay degan tahay Degmada Hodan Magaalada Muqdisho, waxaa lagu eedeeyay ayna qiratay inay Alshabaab kala shaqeyso qarinta iyo keydinta hubka ay u dhiibtaan Alshabaab.

” hubka sida bistooladaha waxaan Al-shabaab ugu heyn jirey gurigeyga waxaana la iiga soo dhiibi jirey tabeelaha Sh.Ibraahin oo dhaca duleedka Xamar dhanka afgooye,waxaana Alshbaaab uga biiray internetka”ayay tiri Xaawo.

Sidoo kale Xasan Cabdi Xasan oo 55 jir ah kana yimid qurbaha isna wuxuu sheegay inuu gaari taksi ah wadi jirey uuna kaxeyn jirey dadka u xukun taga Maxkamdaha Al-shabaab.

“Aniga markuu Madaxweynuhu soo saaray amarkii ahaa inaan loo xukum tagi karin alshabaab ayaa iigu danbeysay”ayuu yiri Xasan Cabdi .

Si kastaba Maxkamada ayaa Cawil ku xukuntay 10 sano oo xabsi ciidan ah .

Xaawo Cusmaan waxaa iyadana lagu xukumay 8 sano oo xabsi Ciidan ah,halka Xasan isna lagu xukumay 1 sano oo ah il ku heynta booliiska .

Dhamka kale  Maxamuud oo lagu waayay wax danbi ah ayaa xoriyadiisa dib loo siiyay.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Advertisement

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Previous articledadkii dhaawacyada daran qabay oo Muqdisho la soo gaarsiiyay+Sawirro
Next articleMadaxweynaha Maamulka Jubaland oo maanta sixiixay Xeerar Saddex ah+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here