GAZA (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo badanaya baaqyada loo jeedinayo Isr’iiil ee ah ineysan weerar ku qaadin Magaalada Rafax ee Koonfurta Gaza taasoo xigta dhanka xadka Massr madaama ay tahay goobaha kaliya ee iskugu tageenbbarakacayaasha Falastion.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa mar kale ka digeysa in Yuhuudu halkaasi dhibaato hor leh ka abuuraan

Advertisement

“Xaaladda halista ah ee ka jirta Rafah ee koonfurta Gaza waxay u baahan tahay in laga taxadaro wèerar halkàsi lagu qaado”ayaa lagu yiri war ka soo baxay Maxkamada Danbiyada dunida ee ICJ.

Sidoo kale Madaxweynaha Maraykanka Biden ayaa sheegay in uu rajaynayo in Israa’iil “aysan ku samayn doonin wax duullaan dhul ballaaran ee  Rafah.

Rafax waxaa ku noom 1.4 milyan oo Falastiiniyiin ah ay gabaad kaga yihiin dagaalada ka socda Gaza inteeda kale.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleSaldhigyo Alshabaab ku leeyihiin duleedka Galcad oo la duqeeyay
Next articleMacalinka labaad ee Kooxda Galmudug oo Saaka  Gaalkacyo u safraya saaka si uu uga qeybgalo  dabaal dega ugu danbeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here