Maxkamada G/Banaadir ayaa maanta xukun adag waxay ku riday haweeney lagu helay ururinta ama maalgelinta Kooxda Alshabaab.
Haweeneydaan oo lagu magacaabo Nadiifo Xasan Cabduqaadir ayuu xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka kusoo eedeeyay ka mid ahaanshiyaha Alshabaab iyo Maalingalintooda.
Maxkamada waxay haweeneydaan ku xuukuntay 15 sanno oo xarig ah iyo $20,000 oo ganaax lacageed ah kadib markii lagu helay inay Milyan Dolar ka badan u ururisay Alshabaab.

