Maxkamada Maamul Goboleedka Galmudug ayaa maanta dil ku xukuntay kooxihii nafta dhaafiyeen Macalin iyo dhaqtar isla dhashay oo bilo ka hor lagu dilay duleedka Dhuusa-mareeb.

Kooxaha dilka fuliyay oo sedex ahaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Bile Cabdullaahi Xasan ciid, Nuur Cabdi Maxamed iyo Shucayb Maxamed Faarax kuwaasoo ay ku cadaatey in ay dil bareer ah u geysteen Macalinka Quraanka iyo dhaqtar-ka wada-dhashey.
Dhowr Bilood ka hor dilkaan ayaa ka dhacay oo lagu diley deegaanka Ilix oo ku dhaw Dhuusa-mareeb waxaana la socday sedexda dilaa nin faraad kaasoo iska diiday inuu dil ka qeybqaato wuuna ka haray.
Maxkamada ayaana fasaxdey eedeysanaha  4-aad ee kiiskan loo heestay, waxaase la isla aadey maxkamadda racfaanka.
May be an image of 3 people and text
Previous articleAskari dhawaan dilay askari saxibkiis ahaa oo maanta Maxkamada Ciidamada ka soo muuqday
Next articleMadaxweyne Xasan oo maanta shir gudoomiyay shirka Wasiirada+aSAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here