
Maxkamada Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa maanta u fadhiisatay gal-dacwadeed loo heysto Siciid Cali Yuusuf oo ku eedeysan inuu hore u dilay Bilaal Dhoode Cali Allaha u naariistee.
Dilkaan oo dhacay 24-kii December sanadkii 2024 ayay xeer ilaalintu soo bandhigeen dacwada loo heysto eedeysane Saciid Cali Yusuf oo ah inuu kas u dilay Bilaal Dhoode Cali AUN.

Qareenka u doodayay eedeysanaha ayaa ku dooday in dilkaasi ka dhacay goob dagaal oo cabsi ay ka jirtay slamarkaana uusan dilkaasi kas ahayn,sidoo kale wuxuu sheegay inaan loo heyn cadeyn buuxda oo ah inuu kas u dilay, wuxuu codsaday maxkamadu tixgeliso eedesanaha.
Sidoo kale Qareenka u doodayay ehalada marxuumka ayaa sheegay in edeysanaha iyo marxuumka uu dilay ay murmeen oo dood ay dhexmartay taasina ay keentay inuu kas u dilo.
Ugu dambeyn Gudoomiyaha Maxkamada C/risaaq Cali Yuusuf ayaa ku dhawaaqay in maxkamadu intaasi ku egtahay islamarkaana ay dib go’aan ka qaadan doonto maxkamadu.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
