HomeWarkiiMaxkamada Jubaland oo Maanta dil toogasho ah ku fulisay Alshabaab la soo...

Maxkamada Jubaland oo Maanta dil toogasho ah ku fulisay Alshabaab la soo qabtay isagoo dagaalamaya

KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Maxkamada Cidamada Maamulka Jubalan ee fadhigeedu yahay Magaalada Kismaayo ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay eedeysane Xassan Macalin Salmaan oo ah  dagaalame ka tirsanaa kooxda Alshabaab  kaasoo laga soo qabtay howdka degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada hoose.

Maxkamada ayaa ninkaan hore dil ugu xukuntay sanadkii hore balse maanta ayaa lagu fuliyay xukunkaasi ,alshabaabkaan wuxuu ku edeysan yahay dilka askar badan oo maamulka Jubaland ka tirsan kadib howlgal ay ka sameeyeen howdka degmada Badhaadhe markaasoo ugu danbeyna laga soo qabtay isagoo god ka dhex dagaalamaya.

Eedeysane Xasan Macalin Salman oo 31 jir ahaa ina Shiniyo Maxamed Axmed ku dhashay Gobolka Bay gaar ahaan Tuulo Abees, kana tiran Kooxda Alshabaab qeybteeda jabhadaha  waxay Maxkamadu ku soo oogtay inuu muda dheer ka qebqaatay dagaalada ,ugudanbeyna la soo qabtay21-kii bishii May sanadkii dhawaan dhamaaday ee 2025 -kiixili uu god ka dagaalamayay.

Eedeysane Xassan Macalin Salmaan hore ayay Maxkamadu ugu xukuntay dil taariikhdu markey ahayd 23-kii bishii 11-aad ee sanadkii 2025-kii balse maanta ayaa tiirka la geeyay kadibna waa la toogtay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

May be an image of one or more people

No photo description available.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -