HomeWarkiiMaxkamada sare ee Mareykanka oo ku dhagan Donald Trump

Maxkamada sare ee Mareykanka oo ku dhagan Donald Trump

WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Maxkamadda sare  Mareykanka ayaa maalmahaan danbe waxay diirada saartay  inay dib u eegis ku sameyso awoodaha qaar ee Madaxweyne Trump sida inuu xilka ka qaadi karo Saraakiisha sar sare ee   Guddiga Ganacsiga ee heer fadaraal taasoo aad looga hadal hayo warbaahinta Mareykanka iyo baraha bulshada dunida.

Garsooreyaasha Maxkamadda Sare ayaa soo jeediyay ama isla ogolaaday in dib u eeegis lagu sameeyo shuruuc soo jirey in ka badan qarni kuwaasoo Madaxweynaha ka hor istaagaya inuu fara geliyo hay’adaha madaxa bannaan ee ay soo dhisaan aqalka Congress-ka.

Sidoo kale Garsoorayaasha qaarkood ayaa u codeeyay in madaxweyne Trump uu shaqada ka eryo Rebecca Slaughter oo horay uu u magacaabay madaxweynihii hore Joe Biden, Garsoore Elena Kagan ayaa ka digtay in la farageliyo sharciyada Congress-ku meelmariyey si loo ilaaliyo isku-dheellitirnaanta awoodaha xukuumadda iyo kuwa sharcidajinta.

Talaabooyinka ay Maxkamada sare ee Mareykanku qaaday iyo cabashada qaar ka mid ah qareenada ayaa intuba ka sii gaashaamanaya go’aan qaadashada Trump uu mararka qaar ku cabiro rabitaankiisa gaarka ah isagoon meel iska dhigaya xeerarka dalkaasi u yaal.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -