GAROWE (DAYNIIILE.COM)-Kadib markii Isimada iyo siyaasiyiinta SSC Qaatumo si rasmi ah ugu dhawaaqeen inaaney ka mid noqoneyn baarlamaanka Puntland ayaa waxaa sii kordhaya jahawareerka siyaasadeed ee ka dhashay arintaasi iyo siyaasiyiinta ka falcelineysa.

Qaar ka mid ah murashaxiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa wada jir war ay u soo saareen waxay ku sheeeen in hadalkii dhawaan ka soo yeeray isimada dhaqanka ee SSC- Khaatumo ay isxtiraamayaan bale loo baahan yahay in heshiis loo dhanyahay laga gaaro soo xulista xildhibaannada SSC.

Advertisement

Sidoo kale maxkamada sare ee Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay arintaan hadal heynta badan dhalisay.

Axmed Sheekh Cumar Xasan oo ah Guddoomiye kuxigeenka maxkamada sare ee Puntland ayaa sharci ahaan sheegay inay qalad tahay go’aanka isimada SSC Khaatumo.

“talaabadaan Isimada SSC Khatumo wuxuu ka hor imaanayaa heshiisyadii hore loo gaaray”ayuu yiri Gudoomiye xigeenka Maxkamada sare Puntland

Dhanka kale masuulkaan wuxuu carabka ku adkeeyay in xiliga go’aankaan lagu soo aadiyay uu yahay mid aan ku hanooneyn.
May be an image of text

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articlelabada Mowqif ee adkeysay hir-gelinta xabad joojinta Gaza
Next articleFaahfaahinta doontii ganacsatada Soomaaliyeed ka gubatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here