Garowe (dayniiile.com)-Maxkamada Sare ee Maamulka Puntland ayaa gabi ahaanba laashay ama wax kama jiraan kaga soo qaaday go’aan dhawaan Baarlamaanka Puntland uu iskugu codeeyay mudo kordhin sanad ah inay sii shaqeeyaan.

Warka ka soo baxay Maxkamda sare ee Puntland waxay ku xuseen in toos loo aado doorashadii Madaxweynaha Puntland oo loo balansan yahay 8-da Janaayo 2024.

Maxkamadu ma soo hadal qaadin kala dirista Baarlamaanka oo sida nidaamka Puntland uu ahaan jirey la kala diri jirey xiligaan.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Dani ayaa lagu wadaa inuu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu dhawaaqo inuu kala diray Baarlamaanka Puntland.

Maamulka  Puntland uu hogaamiyo Saciid Dani  ayaa shalay maxkamadda sare u gudbiyay qoraal ay ku codsanaayeen in go’aan sharciya ka soo saaraan mudo kororsiga baaralamaanka Puntland xili maantana ay aqbaleen codsiga Madaxweynaha.

XAFIISKA WARARKA DAYNIIILE.COM

Previous articleMuqdisho: Ganacsade Ciidamada Sordoonku kala baxeen Xaruntiisa Ganacsi
Next articleDaud Aweis oo Muqdisho ku qaabilay Marwo Anita Kiki Gbeho +Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here