Lix iyo Sodon jirkan ku dhashay Jamaame ayaa ka soo mid ahaa Military-ga ilaa Dowladdii Cabdullaahi Yusuf laakiin waxa uu ka haray Liiska Ciidamada Xoogga Dalka Xilligii Dib u habaynta Electronic ahayd Ee dowladdii Madaxweyne Farmaajo 2018.

Sanadii 2017 kii ayay Xafiiska xeer Ilaalinta iyo Hay’adda Nabad Sugidda Cadeeyeen in uu bilaabay la shaqaynta Alshabaab, waxa uuna Al-Shabaab u qaabilsanaa Gudbinta Gawaarida Qaraxyada ah Ee ay ku weerari jireen Muqdisho.

Waxa uu isticmaalayay Magiciisa iyo Kaarkiisa Aqoonsiga isago oo aan ku jirin Liiska Saraakiisha oo uu mar ka gaaray Laba Xidigle.

Maragyada wax laga waydiiyay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow waxa ay Qireen in shaki badani ka qabeen intuu uu kamid ah Saraakiisha ku Qoran Villa Baydhabo ee aan howlaha Ciidamada ku Jirin .

September 19 keedii 2019 ayaa lagu helay in uu Qarax geeyay Ururka 38 Aad Ee degan Villa Baydhabo.

23 kii March Sanadkan ayuu ku geliyay Gaarigiisa Garoonka Diyaaradaha Laba ka tirsan Al-Shabaab, waxaana Abaabulka Biyamaalow ku naf waayay Allah Unaxariisto Cabdirisaaq Aabi Cali oo kamid ah raggii soo afjarayay weerarkaas, waxaana jiro khasaara gaaray Saaxiibbo kale oo joogay goobta gaarka ah ay isku fara saareen raggii Weerarka ahaa iyo Ciidamada gaarka ah Ee Haramcad.

Sideedii bishan ayay soo gaba gabowday Maxkamadaynta Maxamed Cabdulle Nuur Abkow.

Waxaa Maxkamadda laga Daawad Siiyay Muuqaalka Camerooyinka Amniga Ee CCTV xilligii uu gudbinayay raggii weeraray Garoonka.

Maxkamadda ayaa ugu dambayn Maanta Go’aan ka soo saartay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) waxa ayna ku xukuntay Dil toogasha ah oo ah Qosaasta Marxuun Cabdirisaaq Aabi Cali, sida uu Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here