Xassan Xussen Nuur oo ka tirsan Ciidanka xoogga Dalka gaar ahaan ilaalo qaran  ayaa loo soo xiray dhaawac xabadeed oo u geystay Marxuum Xussen Maxamed Xirsi kaasoo u geeryooday dhaawicii oo u geystay 15-kii  bishii April ee sanadkaan , falkaas oo ka dhacay Dagmada Warta-Nabadda 28-kii bishii Maarso ee Sanadkaan.

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiska Xassan Xuseen Nuur waxaana laga ogolaaday sadaxdii bishii Juun ee sanadkaan.

Advertisement

Maragyadii maxkamada la hor keenay ayaa cadeeyay in sababta Dhaawaca uu u dhintay Marxuumka ay eheed muran salka ku hayo jiir naceeb

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukumay Xassan Xuseen Nuur dil toogasho ahna Qasaastii Marxuum Xuseen Maxamed Xirsi.

Sida uu warbaahinta u sheegay Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karo Rafcaan.

Previous articleCiyaarta Fadeexada Diyaaradda Ethiopian Airlines ee Dadka Jig-jiga ah waa in ay joojiyaan
Next articleQarax ka dhacay Magaalada Jowhar iyo faah faahin laga helayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here