Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Wiil Dhalinyaro ah oo lagu Magacaabo Yuusuf Duqow Xuseen Dhicisow, kaas oo lagu helay in uu ka tirsan yahay Ururka Al-Shabaab.

Yuusuf Duqow Xuseen ayaa Maxkamadda Ciidamada sheegtay in uu Al-Shabaab kaga biiray Β degaanka Buur-Eylo oo Buur-Hakaba hoos tagta, , isla markaana mushaar ahaan u qaadan jiray $70.

Advertisement

Ceeltimir, Dayniile ayaa lala dajiyay Haweeney si’uu uga filayo Muqdisho Dilal iyo Qaraxyo, waxana 14 May ee sanadkan Yuusuf la soo qabtay isaga oo Bom F1 ku tuuray Waaxda Labaad ee degmada Hodan.

Waxa uu sahmin ku sameeyay baro koontarool oo ku kala yaala Shiirkole, Warshada Taraqa iyo Sigaarka, Baar Ubax, iyo kan lagu soo qabtay oo ku tuuray Bam F1 ah.

Baaris dheer ka dib Xafiiska xeer ilaalinta maxakamadda ciidamada ayaa codsatay qaadista kiiska Yuusuf waxaana laga aqbalay Labaatan iyo afartii bishii Juun ee sanadkaan.

Habraacyadii Maxkamadeed kedib, Maanta ayaa lagu xukumay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay warbaahinta Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorayaasha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here