Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee Puntland ayaa sheegaya in Maxkamadda ciidamada qalabka-sida ee maamul goboleedka Puntland ay xukun ku riday Wariye Kilwa Aadan Faarax oo muddo u xirnaa maamulkaasi.

Sanadkii hore 28-kii December ayay Markii  wariyaha la xiray, waxaana lagu xakumay saddex bilood oo xarig ah iyadoo maxkamaddu ay sheegtay in la waayay wax caddeynaya dambiyada lagu soo eedeeyay.

Wariyahaan  ayaa  lagu soo eedeeyay inuu duubay muuqaal ku saabsan sawirka madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo la jeex-jeexayo.

Sida la sheegay xukunkii ay maxkamadda ku riday ee saddexda bilood waxaa kaga haray kaliya saddex maalmood maadaama tirinta maalmaha laga soo bilaabayo maalintii la xiray.

Maxkamadaynta wariyaha waxaa goob joog ka ahaa Maxda Ururka Warbaahinta Puntland, Gudoomiyaha Xuququl Aadanaha Puntland iyo qaar ka mid ah Wariyeyaasha ka howl gala Garoowe, waxeyna ka dhacday Xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe.

 

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here