Saraakiisha ciidamada iyo booliiska ayaa soo bandhigay qoryihii laga soo furtay howlgalkii laga sameeyay degmada Moroto dhamaadkii todobaadka.
32-ka qof ee Kenyanka ah ayaa dhamaantood dadka deegaanka Orum Sub County ee degmada Lodwar ee ismaamulka Turkana waxaa lagu helay dambiga ay iyagu qirteen waxaana xukunka ku riday maxkamada uu hogaamiyo gudoomiyaha maxkamada darajada 3-aad ee ciidamada qalabka sida Col Benard Arinaitwe Tuhame.
Maxkamadda Darajada 3-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee fadhigeedu yahay Degmada Moroto ee Gobolka Waqooyi Bari Unadha, ayaa 20-sano ku xukuntay 32 nin oo u dhalatay dalka Kenya, kuwaasi oo ku xirnaa xabsiga Dowladda Ugandha, kuwaasi oo lagu soo eedeeyay inay si sharci darro ah u heystaan Hub iyo Rasaas.
32-ka qof ee Kenyanka ah ayaa dhamaantood dadka deegaanka Orum Sub County ee degmada Lodwar ee ismaamulka Turkana waxaa lagu helay dambiga ay iyagu qirteen waxaana xukunka ku riday maxkamada uu hogaamiyo gudoomiyaha maxkamada darajada 3-aad ee ciidamada qalabka sida Col Benard Arinaitwe Tuhame.
Qeybta 119-aad ee sharciga ciidamada Uganda (UPDF) ayaa sheegaysa in qof kasta oo lagu helo hub, rasaas ama qalab ay ka kooban tahay ciidamada qalabka sida in la marsiin doono sharciga Milatari, waxaana la qaadi doonaa maxkamada ciidamada qalabka sida



