Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim ayaa lagu xukumay min 15-sano oo Xabsi Ciidan ah kadib markii ay Maxkamadda Ciidamada ku heshay Dambiga ah kamid ahaanshiyaha Kooxda Daacish.

Magacyada Mustaf iyo Xaawo ayay isku Guursadeen sida uu Faray horjoogahooda, waxa ay si gaar ah u qaabilsanaayeen Samaynta Qaraxyada iyo Kaydintiisa.

March sanadkan ayay Ciidamada Amniga soo xireen, hab raaca maxkamadeed kadib maanta ayay Maxkamadda Xukuntay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here