Maxkamadda Ciidanka Qalabd sida ayaa maanta xukun ku riday Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun oo la soo xiray  Qarax uu ku dhaawacmay March 20222-kii  kadib Bilooyin ay Nabad-Sugidda ka daawaysay dhaawac ka soo Gaaray Qaraxaasi, sida ay sheegtay Maxkamadda.

Maxakmadda Ciidanka Qalabka sida ayaa sheegtay in Maxamed Cusmaan Dhagaxow uu ka tirsanaa kooxda Al-shabaab isaga oo u qaabilsanaa Qaadista Agabyada Gawaarida “spare parts” iyo Qaraxyada. Dhagaxow ayaa ku dhaawacmay Qarax uu ka soo Qaaday Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo uu soo Waday magaalada Muqdisho. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Maxakmadda.

Beledwayne ayuu Alshabaab kaga biiray, waxaana ku tashkiiliyay nin ay Qaraaba yihiin, waxa uu qaadan jiray 30-40 dollar markii uu kala daabulayo Agabyada ay isticmaali jireen iyo qaraxyada.

5-tii June ayaa loo ballamay Fadhigii ugu horeeyay ee Maxkamadda, waxaana lala keenay cadaymo ay kamid yihiin Dhaawiciisa sawirro laga qaaday iyo bur-burka Bajaajtiisa gaartay.

Ugu dambeyn maanta ayay Maxkamadda Ciidanka Qalabd sida ku xukuntay fadhiya kala duwan kadib 15-sano oo xabsi ciidan ah  Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here