Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saakay xukun dil ah oo lagu xukumay ku fulisay saddex ruux oo lasoo shaqeeyay Dowladda Federaalka oo ku eedeysan in ay ‘AS’ u fududeeyeen Dilal & Qaraxyo waa sida xukunkooda loo cuksaday.

Dowladda Federaalka ayaa mid weliba gaarkiisa u gudbisay muuqaal laga duubay iyo qiraal uu ku sameeyay kiisaska lagu soo eedeeyay ee ugu dambeyn loo cuksaday xukunka dilka ah ee maanta lagu fuliyay.

Advertisement

Saddexdaan ruux ayaa kala ah:

1-Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow).

2-Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego).

3- Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhaqtar Fanax).

Mid weliba oo kamid ah saddexdaan ruux waxa uu lugaha la galay kiis gaar ah oo Dil & Qarax ah oo uu fududeeyay sida ka muuqata qirashada ay sameeyeen, Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xukunkooda u tiigsatay arrintaas.

Maalmihii u dambeeyay waxaa kordhay fulinta kiisaska toogashada ah kaddib markii Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida si isdaba-joog ah ay u qaadday kiis dacwadeedka loo heysto Dadkaan dambiyada kala duwan geystay.

Dadka la toogtay todobaadyadii u dambeeyay waxa ay isugu jireen Askar Dilal dhexdooda isu geysatay, kuwa nafta dhaafiyay dad rayid ah, Saraakiil fududeysay Dilal & Qaraxyo, Xubno katirsan Daacish & ‘AS’.