Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee ICJ ayaa maanta oo ku beegan 12-ka October 2021 waxa ay dhinac u rideysaa dacwadda Badda ee Soomaaliya u gudbisay todobo sano kahor 2014-kii kaddib markii Kenya ay sheegatay biyahaas.

Dowladda Madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa August 2014-kii Maxkamadda Calaamiga ah ee Cadaaladda Qaramada Midoobay u gudbisay dacwad ka dhan ah Sheegashada Kenya ee milkiyadda 160-kun oo KM (Kilomitir).

ICJ ayaa shaacisay in maanta oo Talaado ah uu Guddoomiyaheeda uu ku dhawaaqayo xukunka kasoo baxay dhageysiga heerarka kala duwan maray ee soo bandhigista Caddeymaha labada Dowladood inkasta oo Kenya ay isaga baxday wareeggii ugu dambeeyay.

4:00pm (4-ta Galabnimo) xiliga geeska Afrika ayay Maxkamaddu si toos ah usoo gudbin doontaa natiijada kasoo baxday, keliya waxaa hoolka ku sugan Mas’uuliyiinta Soomaalida halka qareennada difaacaya ay toos ula socanayaan.

Kenya waxa ay diidmadeeda ka qaybgalka Wareeggii ugu dambeeyay & dhageysiga xukunka ICJ ku darsatay eedeymaha ay u jeedisay Maxkamadda waxaana ay ku tilmaamtay mid aanay awoodin go’aan ka gaarista kiiskaan oo kale.

Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka oo kamid ah wafdiga Soomaalida ee ku sugan Magaalada The Hague waxa uu VOA u sheegay in dedaal dheer kaddib in maanta la sugayo natiijada kasoo baxday dacwadda.

Kenya oo dhowr jeer laga dalbaday soo gudbinta caddeymo waxa ay uga falcelisay waraaqo diidmo ah, kiiskaan waxa uu soo maray heerar kala duwan” ayuu yiri Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here