MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlada Somalia ayaa maanta la soo taagay eedeysane Aadan Nuur Muuse oo Bomb gacmeed ku tuuri rabay habeenkii loo dabaal deggayey isdiiwaan gelinta 1 Milyan oo codbixiyeyaasha Muqdisho ee loo diyaarinayo inay doortaan Golaha deegaanka kadibna xildhibaanada Soomaaliyeed.
Banaan baxa oo ay Dowladu soo qaban qaabisay iyagoo ay socoto ayaa waxaa shacabka soo dhex-gaay eedeysanaha oo jeebka ku watay Bam gacmeed ay usoo dhiibeen kooxda uu ka tirsan yahay ee Alshaabab inkastoo uu Alle ka bad baadiyay shacabka markii ay shacabka qaarkood ka shakiyeen ninkaan eedeysanaha.
Wiilasha qabtay ee shacabka ka mid ahaa ayaa mar maxkamadu wareysatay wuxuu midka kow arkay sheegayaa inuu ka shakiyay cabsida badan ee ka muuqatay iyo jaakadka uu watay kadibna uu weydiiyay wuxuu yahay kadibna uu shakiga ku sii batay markii uu cararay sidaas ayayna uga daba carareen sidaas ayaana lagu qabtay looguna dhiibay Hay’adaha amaanka.
Gudoomiyaha Maxakamada su’aalo weydiiyay eedeysanaha kaasoo ugu danbeyn qirtay inuu Alshabaab ka tirsan yahay isamarkaana Bam-bada uu ka soo qaaday Degmada Awdheegle oo markaasi Alshabaabku heysteen sidaasna uu xamar ku soo galay una rabay inuu laayo dadka banaan baxa ka qeybgalay.
Xeer ilaaliyaha ayaa isna maxkamada ka sharaxay eedeysane Aadan Nuur Muuse iyo sida uu uga tirsan yahay alshabaab iyo sida uu u aqbalay inuu fal danbiyeed ka geysto Magaalada Muqdisho ilaa iyo inta laga qabtay.
Sidoo kale Xeer ilaaliyaha ayaa Cawil Cabdi Maxamed ku eedeeyay inuu oo garab siiyay eedeysanaya bambada lagu qabtay sidii uu dhibatadaasi u geysan lahaa markii uu u dhiibay mooto uu isticmaalayay.
Si kastaba Maxkamada oo dhageysi kaliya ahayd ayaa la soo xirey waxayna dib ka gaari doontaa go’aanka xukunka eedeysanayaasha.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM








