Colombus (dayniiile.com)-Magaalada Colombus ee Gobolka Ohio ee Dalka Mareykanka ayaa ugu danbeyn ku cadeysay danbigiisii ninkii burcadka ahaa ee u xirnaa dilkii loo gaystay Alle ha u naxariistee Sheekh Maxamed Xasan Aadan oo ahaa imaamka masajidka Abuu Hureyra ee magaalada Colombus kaasoo la dilay 24 December 2021-kii.
Eedeysanaha oo mudo ay soo jiitameysay dacwadiisa ayaa hada lagu helay sedex ka mida afartii dacwad ee loo heystay sida inuu gacantiisa ku dilay iyo inuu afduubtay dilka ka hor.
Ehalada Shiikha iyo Soomaali aad u badan ayaa ku farxay go’aanka Maxkamda xili ay goob joog ka ahaayeen maxkamdeynta.
Inkastoo dacwad oogista iyo cadeyntu waqti sanado ah qaadatay hadana ugu danbeyn garsoorku wuxuu qabsaday bisha December ee sanadkaan inay ku dhawaaqi doonaan xukunka dilaaga madaama danbiyadiisii lagu cadeeyay.
Qof ka mida ehalka oo u waramayay idaaccada VOA-da ayaa tilmaamay in maxkamda la keenay cadeymaha dilaaga oo ay ku jireen muuqaalo.
Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in kuwii caawiyay dilaagaan iyagana la maxkamdeyn doono ama danbigooda la cadeyn doono janaayo sanadka danbe 2024.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here