Maxkamadda Ciidamada ayaa maanta xukun ku riday, Yacquub Cabdullaahir oo ka tirsanaa Al-shabaab, isla markaasna ku eedeysan in uu falal amni darro ka geystay magaalada Muqdisho.

Yacquub Cabdullaahi Cabdi Xasan “CabdiNaasir” ayaa u dhaawacmay August sanadkii tegay Rasaas ay ku fureen Ciidamada Amniga kadib Bam uu ku tuuray waaxda Taleex.

Ilaa 2018 ayuu Alshabaab ka tirsanaa, waxa uuna labadiisii sano ee u horreeyay ku qaatay Duurka, waxa uu dhowr dagaal oo Arbushaad ah ka sameeyay Gobalka Shabeelada Hoose.

kadib markii uu ka bogsaday dhaawicii ay Ciidamada Amniga u gaysteen, waxaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada lagu soo Wareejiyay May Sanadkan.

Baaritaan dheer kadib, waxaa lagu helay dambiyo ay kamid yihiin Bambooyin uu ku Tuuray Bar Ciidamada Amniga ay ku lahaayeen Warshadaha Gaar ahaan Warsame Dool iyo Bamka uu ku tuuray Taleex oo ahaa kii lagu Qabtay oo ay Ciidamada Amniga ku dhaawaceen.

Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay 20-sano oo Xabsi Ciidan ah.

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here