Halkan waxaan garabjoogsi buuxa (Solidarity) oo saaxiibtinnimo, dhaqan iyo raganimo leh ugu muujinayaa walaalkeey saaxiibkeey Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Waa dabiici waana dhacdaa inaan meelaha qaar sida loo wajahayo aanan mararka qaar isku si u arag laakiin aan 99% aan ku mideeysannahay.

Kama mid noqon karo kuwa kula jaalka ahaa maalmo ka hor ee u damaashaadaya dagaalka uu cadowga badan iska kaashaday oo lagugu soo qaaday.

Adkeysiga aan kugu aqaan wuxuu i xasuusinayaa halkii uu Abwaan Cabdiqays ka lahaa heeska uu qaado Macalin Maxamed Mooge AUN oo tilmaamaya adkeysiga ragga iyo marxaladaha uu maro waa tii uu yiri;

Jeex biraha ka haray iyo
Jab finiina baan ahay
Wadnahaygu jilawdiyo
Ma yaqaan juglaynta
Kollay jabaq dugaag tahay
Jid aan raacay kama noqon

Kamana joogsan weligay.
Mabaadi’dayda, qofka aan ahay iyo aragtida midka ah ee aan wadaagno ayaa diideysa in aan saaxiib kula noqdo xilliga farxadda iyo dabbaaldegga oo kali ah laakiin taas si la mid ah saaxiib waan ku garabjoogi doonaa inta aan noqonayo qofka ugu danbeeya ee aad isku soo hartaan.

Haddii aan ku aqaan maanta ayay guushu bilaabatay ( Inta waxaan is xasuusin doonnaa galabta aan teendhada Afisooni ka soo laabano haddii alle na gaarsiiyo)
وَعَسَى أَنْ تَكْرَهُوا شَيْئًا وَهُوَ خَيْرٌ لَكُمْ وَعَسَى أَنْ تُحِبُّوا شَيْئًا وَهُوَ شَرٌّ لَكُمْ وَاللَّهُ يَعْلَمُ وَأَنْتُمْ لَا تَعْلَمُونَ

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here