W/Q Abdirahman Abdishakur Warsame
Waxaa maanta iigu xanuun badnaa ee aan maqlo waa 5 caruur ah oo wada dhalatay oo hoygoydii madfac ku habsaday, halkaasna ku dhintay (AUN). Dhimashada, dhaawaca, burburka hantida iyo barakaca ka dhacay Beled Xaawo wuxuu ku dhacayaa waa dad Soomaali ah. Tani waxay i xusiisanaysaa dagaalladii sagaashanaadkii Gobolka Gedo ka socon jiray. Xilligaa oo aan gobolka tegey, waxaa is hayey Jabhaddii SNF oo ay Itoobiya taageerayso iyo ururka Al-itixaad oo dagaalyahanno shisheeye ka garab dirirayeen.

Labada dhinac, waxaa kala hoggaaminayey Generaal Cumar Xaaji Masalle iyo Sheekh Maxamed Yusuf. (AUN). Wadaaddadii waa laga itaal roonaaday, jabhadiina labo garab ayey u kala jabtay. Axmad Sh Cali iyo rag kale ayaa garab la go’ay, kaddib loollan Jabhaddii SNF dhexdeeda ah, beelna salka ku haayaa ayaa muddo socday. Waxaa dhacay xasuuq beel lagu beegsaday oo ku dhowaad 150 ruux lagu dilay degmada Luuq.

Waxaa xusid mudan in rag haatan dhinaca dawlada iyo Jubbland ku kala jira ay dagaaladii xilligaa dhacayey qayb ka ahaayeen.

Markii Jubbaland la dhisay beelaha qaar wey taageereen, halka kuwa kalana ka hor yimaadeen. Madaxweyne Farmaajo waxaa la gudbooneyd in uu beesha heshiisiiyo ee uusan dhinacna la safan.

Soomaali way ka dheregsan tahay beelaha is-haya iyo sidey isku hayaan. Waxaa habboon in beelaha la heshiisiiyo, sababtoo ah colaadda Gedo ee ay labada dhinacba wiilal Soomaaliyeed ku dhimanayaan cidna dan uma aha.

Waxaa kaloo waalli ah in dagaal dad wada deggan oo walaalaha ah u dhexeeya la qarameeyo, ama la waddaniyadeeyo.

Kenya waa dal aan deris nahay, waa is qaban karnaa, waana heshiin karnaa, balse iyadoo ay ciidankoodu gudaha dalkeenna ku jiraan, oo ay Kismaayo, Abdalle Biroole, Kudhaa, Buurgaabo, Raaskanbooni, Sariiro, Kulbiyow, Hoosingo, Dhoobley, Taabto, Qooqaani, Afmadow iyo Ceelwaaq ay joogaan, in dadka lala horyimaado Beled Xaawo Kenya laga difaacay waa yasid iyo caqli ku xadgudub.

Colaada hala joojiyo, dadka walaalaha ahna hala heshiiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here