Waxaa sharaf wayn ii ahayd in aan maanta ka qayb galo munaasabadda lagu dhaarinayay xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka 11aad ee JFS. Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan waqti lasoo qaatay xildhibaanadii maanta kasoo qayb galay munaasabadda dhaarinta.

Waxaan aad ugu faraxsanahay in Baarlamaanka 11.laad ay kamid yihiin dhallinayro u badan aqoonyahanno iyo howlwadeenno usoo shaqeeyay shacabkooda, kuwaas oo in badan oo kamid ah aan shaqo-wadaag soo noqonay. Waxaana yididiilo leh in badankood aan isku aragti ka nahay sidii si dhaqso ah dalka dhibaatada iyo hubinta la’ aanta siyaasadeed looga saari lahaa.

Doodo adag iyo Dadaal dheer kaddib, waa Allah mahaddii in maanta ay sal dhigatay hooyadii Dowladnimada oo ah Baarlamaanka.

Maadaama uu dalku ku jiro xaalad adag oo dowladnimadeenna khatar ku ah, waxaan ugu baaqayaa Guddoomiyayaasha ku meelgaarka ah iyo xildhibaannada labada aqal in ay dedejiyaan doorashadda Guddoonka labada aqal.

Dadka iyo Dalka Allaha inoo badbaadiyo.

maxoo

#HiigsiiyoHorumar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here