Guddigii baarayay Dilkii Gudoomiyihii Degmadda Hodan, C/xakiin Dhagajuun ayaa Warbixin ay soo saareen ku sheegay in Dilka uu ahaa Shil ee uusan ku talagal ahayn.

Waxayna Warbixintooda ay ku eedeeyeen 7 qof oo uu ku jiro Taliyihii Saldhiga Howlwadaag. Waxayna Eedda ka saareen Taliyihii Saldhiga Waabari iyo 2 Ka mida illaaladiisa oo ay Maanta sii daysay Maxkamadda Ciidamadu.

Waxyaabaha la yaabka leh ee Warbixinta Guddiga ku jira waxaa ka mid ah inuu u eedaysan yahay Askariga kaliya ee ka badbaaday Illaaladii C/xakiin Oo wali xiran.

40 cisho ayeey Guddigan baarayeen Kiiska, Waxayna ka koobnayeen Xeerillaalinta Ciidanka, Booliska iyo NISA.

Abdiaziz Mohamud Guled

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here