Khudbad uu madaxweyne Xasan Sheekh ka jeediyay casho sharaftii uu u sameeyay xilhibaannada 2da aqal, ayuu uga hadlay arrimo ay kamid yihiin Dhammeystirka dastuurka doorashooyinka dalka, hagaajinta qaab shaqeedka dalka, gurmadka abaaraha, howlaha baarlamaanka horyaalla, xoreynta dalka iyo horumarinta Amniga.

Madaxweynaha oo munaasabadda ka sheegay inuu doonayo in afarta sano ee ee hoggaanka dalka loo doortay ay qabsoomaan shaqooyin badan ayaa codsaday in lala shaqeeyo si xilli hore loo guda galo shaqada oo looga baaqsado dib-u-dhac. Waxuu ku celiyay inuusan dib u fiiri doonin wixii horay u dhacay, inuu cid kasta cafiyay ayuu shaaciyay in isaga la cafiyana wuu dalbaday.

Dhammeystirka Dastuurka

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay muhiin tahay dhammeystirka dastuurka si looga boxo jahawareerka loona helo daatuur ay dadka Soomaaliyeed heshiis ku yihiin.

Dooshashooyinka dalka.

Waxuu ka hadlay sida loogu dhibaatooday doorashooyinkii dhawaan dalka ka dhacay ee waqtiga dheer qaatay, waxuuna ballan qaaday in doorashooyin aan lagu daahin uu dalka ka hir gelin doono. Madaxweynuhu kama dhawaajin doorasho waqtigeeda ku dhacda iyo sidoo kale doorasho qof iyo cod ah.

Hagaajinta dhaqanka shaqada

Waxuu is dul taagay muhiimadda uu shaqa wanaaggu u leeyahay ka guul gaaridda hadafyada waaweyn ee la hiigsanayo

Waxuu caddeeyay inuu xafiiskiisa uu 8da subaxnimo ka shaqo billaabo, sidaas oo kalana uu ka doonayo xafiisyada kale ee dowladda

Xubnaha baarlamaanka oo xilligooda shaqa soo gelista ka dhigay 9ka barqannimo ayuu ku boorriyay inay ilaaliyaan waqtiga si shaqooyinka horyaalla qabashadooda looga dhabeeyo.

Waxuu caddeeyay in mas’uulkii waqtiga shaqada ilaalin waaya uu shaqadiisa ku waayi doono, waxuuna baarlamaanka ka codsaday in ayan isugu imaanin difaacidda mas’uul shaqadii dowladda gudan waayay.

Xoreynta dalka, Hagaajinta Amniga iyo dowrka xildhibaannada

Xoreynta dalka ayuu sheegay inay muhiim u tahay fulinta mashaariicda horumarineed iyo in dad badan oo magaalooyinka kusoo barakacay ay deegaannadoosii ku laabtaan oo ay beeraha tacbadanaan, xoolahana dhaqdaan oo ay ka baxaan ku tiirsanaant gargaarka, qeybna ka qaaraan sare u qaadidda wax soo saarkana gudaha.

Xildhibaannada ayuu ku war geliyay inay u diyaar garoobaan ka qeyb qaadashada xoreynta deegaannada ay metelaan. Waxuu u sheegay inay sharaf u tabay arrintasi oo hadii ay naftooda ku waayaan ay uga wanaagsantahay dhib kusoo gaara iyagoo iyagoo hoteel micno la’aan u fadhiya.

Hirgelinta shuruuc badan

Baarlamaanka 2badiisa aqal ayuu ku dhiirri geliyay inay shaqo badan geliyaan sidii loo meel mari lahaa shuruucda badan ee horyaalla ama la hor keeni doono

Wax ka qabashada abaaraha

Madaxweynaha oo aad ugu dheeraaday ka hadalka abaaraha ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in Wadajir loo abaaro wax ka qabashada abaarta dalka ku habsatay dalka oo markaan macluuo usii xuub siibaneysa, kana daran abaarihii dalka soo mari jiray sabab la xariirta inay kusoo beegantay cunna yari baahssn oo dunida soo wajahday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here