Wararka ka imaanaya Goobtii uu xalay qarax ka dhacay ayaa sheegaya in Maydad hor leh laga helay, dhismayaashoo ku dumay halkaas, waxaana sii kordhaya Qsaaraha ka dhasahy halkaas.

Waxaa goor dhawayd maydad hor leh laga helay burburka dhismayashii xalay ku dumay qaraxaas ee ka agdhawaa maqayadaas laga soo saaray meydad dad hor leh oo qaraxaas ku geriyooday.

Meydadka dhismayashaas laga dhex helay ayaa gaaraya illaa 5-qof, waxaana sidoo kale dhawacyo soo gaaray u geriyooday qaar ka mid ah dadkii xalay halkaas ku dhaawacmay.

Sidoo kale waxaa weli lagu layahay nolol iyo geri dad ku sugnaa maqaayadda markii uu dhacay qaraxaas. Qaar kamid ah dadka ehelkooda baadi goobayey iyo kuwii arkayay markii meydadka laga soo saarayey goobahaas ayaa warbaahinta u sheegay in weli dhismayaasha dumay ay dad ku hoos jiraan.

Sidoo kale inta la ogyahay  qaraxaan waxaa ku geeriyooday dad ka badan 30-qof,  halka dhaawacyadu ay intaas ka badanyihiin.

Maamulka gaadiidka gurmadka deg-dega ah ee Aamin Abulance ayaa isla xalay warbaahinta u sheegay in maqaayadda la qarxiyey ee Luul-Yemeni ay ka qaadeen meydadka 20-qof iyo dhaawacyada 30 kale.

 

Office Nairobi Kenya

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here