MUQDISHO (DAYNIILE.COM) –Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xiligaan wada khud-bad uu ka jeedinayo Baarlamaanka oo maanta uu u furay kalfadhigooda 7-aad.
Akhud-bada Madaxweynaha xiligaan duhurka ah gabaabsi mareysa ayaa ka hadlay arimo kala duwan sida waxqabadka Dowlada uu hogaamiyo iyo fariimo kale.
Madaxweynaha wuxuu ka sheekeeyay sida Dowladu u qaabeysay dhanka siyaasada,dib u heshiisiinta iyo dhaqaalaha intaba.
Dr.Xassan wuxuu xusay in Dowlada Somalia ay bixiso mushaarka dad gaaraya 100 boqol-kun ruux oo isugu jira siyaasiyiin,ciidamo iyo shaqaale Dowladeed oo dhamaan mushaarka laga siiyo kaabayaasha dhaqaalaha Dalka sida canshuurta laga qaado shacabka.
Madaxweynaham mar uu soo hadal qaaday baaristii shidaalka ee Dalka Turkiga ayuu sheegay in baaristu lagh cadeeyay in dalka Somaliya shidaal ka buuxo ,sidoo kale wuxuu sheegay bilaha soo socda in la bilaabi doono ceelkiii ugu horeeyay ee Somalia oo shidaal laga soo saaro.
Dhamaadka shirka, khudbada Madaxweynaha iyo wixii ku soo kordhaba dib baan idinkula wadaagi doonaa insha Allaah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
