Qormadaan waxaa Qalinka u qaatay Prof.Yaxye Sheekh Caamir
Nasashada Jimcaha. Q- 397
1.Nin ayaa soo iibsaday ( a lie Detector Robot) Robotka Beenta kashifo, Qofkii Been sheegana dharbaaxo.
Wiilkiisa ayuu ku yiri: Xalay xageed jirtay? Wiilkii ayaa yiri: Subac, Qur’aan akhris. Robotkii ayaa dharbaaxay. Wiilkii ayaa yiri: Ok, Ok, Xalay waxaan la joogay Wiilal Saaxiibadeey ah. Mar kale ayaa Robotkii dharbaaxay. Ugu dambeeyn waxa uu yiri: Xalay waxaan shukaansi u aaday Xeebta Liido. Robotkii ma dharbaaxin.
Aabibii ayaa yiri: Markaan Da’daada ahaa weligeey Shukaansi kuma soo dhixin. Robotkii ayaa Hal dharbaaxo Aabihii ku jiiday, markii uu dareemay in Aabuhu Been sheegay.
Hooyadii oo ku qoslee Aabihii la dharbaaxay ayaa tiri: Geed dhacaankiisa ayuu dhalaa, walee wiilkaan aad dhashay Adiga ayuu ku raacay. Robotkii ayaa Hooyadii Dharbaaxo ku jiiday.
F.S:1aad)
( Haddii Siyaasiyiinta Somalida Saf dheer la soo galiyo ee la hor keeno Robotkaa Beenta dareemo ee la weeydiiyo weligaa Hanti ummadeeda ma xaday? meeqa masuul ayaa la dharbaaxi lahaa? Dharbaaxada ugu badan yeey ku dhici leheyd?)
2. Faarax Luga baasto, oo careysan Galabtana laga qaaday Koobkii tartanka Luga Quraxda, ayaa haddana Habeenkii ku daahay Akhriska Nasashada Jimcaha. Xaaskiisii oo dhinac jiiftay ayaa Ku tiri: Caawa Kasuumo ma wato. Waxa uu ku yiri: Berri ayaan kuu soo iibinaa. ( F.S: 2-3aad)
( Al caaqil yafham, Nasashada jimcaha yaan lagu marmarsiyoon )
3. Saddax Nin oo qayilayay ayaa Qolkii korontadii ka tagtay. Mid ayaa Saaxiibkii ku yiri: Shumaca noo shid. Markii uu shiday ayuu ku yiri: Adiguna Marwaxadda noo daar. Markii uu istaagay ayuu ku qoslay kuna yiri: War haddii aad shido Marwaxadda Shumaca ag taal, soow shumaca dabeeysha Marwaxaddu damin meeyso. Kii hore ayaa yiri: walaalkeey Caqligaan kugu jecelahay.
Kii Saddaxaad ayaa yiri: labadiinuba Been ayaad isaga marag kacdeen. War korontadii ayaaba baxdee sidee Marwaxaddu ku shidmee.
( Dekadaha aan siino Qoladdaa iyo Kaluunka aan siino Qiladda kale, ayaan isku heeysanaa. Haddii Badda dhanba aan Cid kale qaadato, maxaan isku heeysaneynaa)
4. Oday 75 jir ah oo ay ka dhamaatay, Dhaqaale uu Xaas kale ku Biilana aan heysan ayaa yiri: Afar ayaa ii banaan. Xaaskii hore waa igu ag duqoowday, waxa uu Guursaday Gabar 18 jir ah.
Duqii fiir fiiris ayuu ka roonaa waayay. Kadib 20 Cisho markuu isbitaal ku jiray ayuu Maanta geeriyooday, Gabadhii oo Bikro ahna Asaay ayeey qaaday. ( F.S:4- 5aad)
( Duqdaadii Hore iyo Dalkaagii hore, midna lagama tago)
5. Nin ayaa lagu yiri: Dadka Tahriibka aadayo Caqligooda ka waran? . ( F.S: 6aad)
( Sawirkaan ayuu soo diray)
6. Somalidu waxa ay tiraa: Goronyada Dabaalnimadeeda marka ay Daasho ama ay Cabsato, Madaxeeda ayeey Duugataa iyada oo u maleeynee in aan la arkeeyn. Amaa Goronyadu wax kale u jeedaa? ( F.S: 7-8aad)
( Amaan Annagu, Goronyadii Camal nahay. Ciidamadda Ajaanibtaa ee wadanka joogo Xeeryahooda Goballadda Godad Badan ayey ka dhax qodaan, kadibna Baabuur Carro ku raran tahay ayaa la dhoofiyaa. Annaguna waxaan leenahay, Meeshaan Cadaw kama dhawo ee mexeey Dhufeeysyada uga qodayaan, Dabaashanaa, Annaga iyo Ajaanibta yaa Caqli Goronyo leh)

Qore: Yahya Amir
May be an image of textMay be an image of 1 person and wingtip shoesMay be an image of 1 personMay be an image of Bactrian camelMay be an image of flightless birdNo photo description available.
Previous articleTurkiga oo ka hadlay heshiiska amni uu la galay Somalia
Next articleDAAWO: Masuuliyiin faderaal iyo hishabelle isugu jira oo booqday biya xireenka wabiga Jowhar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here