XIGASHO LAACIB.NET
Maamulka (MLS) ayaa ku dhawaaqay in Lionel Messi iyo Jordi Alba, oo ka tirsan kooxda Inter Miami, la ganaaxay hal kulan kaddib markii ay seegeen ciyaartii All-Star Game-ka horyaalka iyaga oo aan sabab cad bixin.
Go’aankan ayaa micnihiisu yahay in labada ciyaaryahan aysan ka qeyb geli doonin kulanka ay Inter Miami la ciyaari doonto kooxda FC Cincinnati maalinta Axadda, kulanka wareega 25-aad ee horyaalka MLS.
All-Star Game-ka waa dhacdo sannadle ah oo lagu xusho ciyaartoyda ugu sarreysa horyaalka, waxaana waajib ah in ciyaaryahan kasta oo la doorto uu ka soo qayb galo, haddii uusan dhaawac ama dhibaato kale oo caafimaad qabin.
Messi iyo Alba ayaa loo xushay inay ka qayb galaan ciyaarta All-Star, balse maqnaanshahooda iyaga oo aan wax cudurdaar ah bixin ayaa sababay in si degdeg ah loo ganaaxo hal kulan, sida ay dhigayaan xeerarka tartanka.
Go’aankan ayaa markale muujinaya sida MLS ay u doonayso in la ilaaliyo sharafka iyo muhiimadda ay ciyaartan leedahay, iyadoo aysan jirin cid ka sarreysa sharciga – xitaa haddii ay yihiin xiddigo caalami ah sida Messi.
