HomeCiyaarahaMessi Vs Ronaldo: Patrice Evra oo dab ku shiday doodda GOAT-ka ka...

Messi Vs Ronaldo: Patrice Evra oo dab ku shiday doodda GOAT-ka ka dib hadal ka careysiiyay dad badan.

XIGASHO LAACIB.NET

Xiddigii hore ee Manchester United, Patrice Evra, ayaa sharaxay sababta uu u doorbido Cristiano Ronaldo marka la barbar dhigo Lionel Messi, isagoo sheegay in dadaalka iyo shaqo-adaygu yihiin waxa Ronaldo ka dhigaya mid gaar ah.

Evra wuxuu sheegay in inkastoo Messi leeyahay hibo dabiici ah oo cajiib ah, haddana waxa Ronaldo ka soocaya ay tahay rabitaankiisa joogtada ah ee horumarinta iyo shaqada uu geliyo si uu u noqdo kan ugu fiican.

“Qof walba wuu yeelan karaa hibo, laakiin ma bixiyaa dadaalka? Taageerayaasha Messi ma jecla markaan dhaho Ronaldo waa kan ugu fiican jiilkiisa, balse shaqadiisa adag ayaa si dhab ah u muuqata,” ayuu yiri Evra.

Evra, oo la soo ciyaaray Ronaldo, wuxuu sheegay inuu si dhow u arkay sida uu xiddiga reer Portugal ugu dadaalay inuu ka mid noqdo ciyaartoyda ugu waa weyn dunida. Wuxuu aaminsan yahay in inkasta oo Messi yahay ciyaaryahan leh karti dabiici ah oo sare, haddana dadaalka Ronaldo uu yahay sababta uu isaga ugu arko kan ugu sarreeya.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -