Wararka ka imaanaya Magaalada badhabo ayaa sheegaya saakay in ay ka jiryo xaalad ka duwan sidii hore.

Wararka ayaa sheegaya in la helay Meydadka labo caruur ah oo uu dhalay xildhibaan hore Sheekh Aweys Cabdullaahi oo ka tirsanaa baarlamaankii sagaalaad ee dalka.

Qoyska ayaa sheegay in Caruurtan la waayey shalay, xilli loo diray Dugsi Qur’aan, waxaana saakay Duleedka baydhabo laga helay maydadkooda isla-markaana loo dilay si arxan darro ah.

Sidoo kale Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in caruurtaasi oo kala ahaa gabar iyo wiil lagala baxay kilyaha iyo beerka, kadib qaliin lagu sameeyey.

Dhinaca kale laamaha ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyey falkaasi.

Office Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here