Meydka marxuum Cali Khaliif Galeyr oo goor dhaw la keenayo Muqdisho

0

Waxaa goor dhaw lagu wadaa in magaalada Muqdisho la keeno meydka Raisul Wasaarihii hore ee Somalia marxuum Cali Khaliif Galeyr oo shalay ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida.

Marxuumka ayaa maanta aas qaran waxaa loogu sameyn doonaa magaalada Muqdisho, iyadoona qaban-qaabada aaska ay ka socoto magaalada, madaxda sare ee dowlada ayaana la filayaa iney janaaso ku tukadaan, aaskana ka qeyb galaan.

sidoo kale Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in Cali Khaliif Gallaydh Raiisul Wasaarihii hore ee dalka uu u geeriyooday  Cudurka COVID-19.

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Deegaanka  Soomaalida Mukhtaar Yuusuf ayaa sheegay ka dib baaritaano ay ku sameeyeen inuu haleelay COVID-19.

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here