Kismaayo (dayniiile.com)-Xeebta Kismaayo oo jimca kasta loo dabaalasho tago ayaa la soo sheegayaa inay shalay qaaday sedex gabdhood  kuwaasoo mid ka mida la helay meydkeeda.

Ehelada Gabdhaha maqan iyo Ciidamada Amaanka ee Jubaland ayaa ku howlan tan iyo shalay sidii loo heli labadaasi gabdhood oo aad loogu maleynayo inay geeriyoodeen balse aysan badu soo tufin.

Advertisement

Inta badan way dhacdaa Badda markey dad qaado inay ama hore ka soo tufto ama saacado badan kadib soo tufto ama ay maalmo qaadato sidii loo heli lahaa.

Xaaladaan murugada ee Kismaayo ku soo wajahday qoyska iyo ehalada gabdhahaasi ayaa ku soo aadaya xili daadad roob iyo fatahaad ay hore uga jirtay gobolada Maamulka Juballand.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here