MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Meydka Nin u shaqeyn jirey Hay’ada duulista rayidka Soomaaliyeed  ayaa caawa laga helay gurigiisa oo ku yaal Xaafada Ceel-qalow Degmada Wada-jir ee Magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee ninkaan oo lagu magacaabi jirey C/Naasir Muuse C/Raxmaan ayaa asal ahaan ka soo jeeda Waqooyi Galbeed Soomaliya wuxuuna ka howlgeli jirey Hay’ada Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo Dowladu Maamusho.

Advertisement

Ciidmada Saldhiga Boliiska Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa gaaray goobta markii ay soo gaartay xogta in meydka muwaadin uu yaalo gurigii uu dagaanaa.

Sidoo kale waxaa socda baarista kiiskan oo booliisku sheegeen wixii soo kordha inay la wadaagi doonaan saxaafada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 1 person, smiling and text that says "CAN'T KEEP CALM I'VE BEEN CHOSEN FOR CHEVENING! #Chosenferdl"
Previous articleSideed qof oo ku geeriyoodeen cisbitaalka Naasir ee Gaza
Next articleBooliiska oo 6 ruux u soo qabtay Kiiska Meydka Caawa laga helay Degmada Wada-jir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here