MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa wali magaalada Muqdisho lagu hayaa filinjeer meydka C/naasir Muuse Dahab oo ahaa mas’uul ka tirsanaan jirey Hay’ada duulista  rayidka ah kaasoo maalmo ka hor lagu dilay Magaalada Muqdisho islamarkaana meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaal Degmada Wada-jir.

Aabihiis iyo Madaxda Maamulka Somaliland ayaa markii la dilayba dalbaday in diyaarad loo soo saaro si Magaalada Hargeysa loogu aaso balse Dowlada Somalia ayaa u hakisay baaris ku socota si loo xaqiijiyo dhagaq qabayaaashii dilay.

Advertisement

Wararka ugu danbeeya ee aan helnay ayaa sheegaya in saacadaha soo socda lagu wado in meydka Hargeysa loo diro madaama inta badan Dowladu dhameysatay baaritaankii.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa inay isku soo aado dirista meydka iyo warbixin buuxda oo Dowladu ka bixiso wixii cadeyn ka soo baxay 9 ruux oo loo hayo dilkaasi.

Maamulka Somaliland waxay ku eedeeyeen Dowlada Somalia inay wax ka ogtahay islamarkaana dilkaani yahay mid siyaasadeed halka Dowlada Somalia oo dhamaan masuul ka ah Soomaalida ay baaritaan wado xaqiiqo raadin ah halka dadka reer koonfurta qaarkoodna aaminsan yihiin in dilkaani ayba ka danbeeyan maamulka Somaliland madaama ninkaani la dilay Dowlada Somalia ka tirsanaa laakiin ma jirto cid xaqiiqada og.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

C/naasir Muuse Dahable Archives - Goobjooge.net: Somali News, Somalia news Analysis.

Previous articleMadaxweynaha Hirshabelle oo xalay shir muhiim ah la yeeshay Wasiiradiisa+SAWIRRO
Next articleSAWIRRO: Salaadii Jimcaha oo lagu oogay Masaajdka Rafax oo yuhuudu burburiyeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here