XIGASHO LAACIB,NET
Weeraryahankii hore ee Manchester United iyo Real Madrid, Michael Owen, ayaa sheegay in weeraryahanka Paris Saint-Germain Ousmane Dembélé uu yahay musharraxa u qalma abaalmarinta Ballon d’Or 2025
Owen ayaa sheegay in xiddiga Faransiiska uu ahaa ciyaaryahankii ugu fiicnaa sanadkii la soo dhaafay, isagoo ka hor mariyay Lamine Yamal-ka Barcelona iyo Mohamed Salah ee Liverpool.
Isagoo la hadlayay Sportskeeda, Owen ayaa yiri:
“Yamal wuxuu haystaa fursad fiican. Waa ciyaaryahan aad u hibo badan. Waxaan u maleynayaa in Paris Saint-Germain ay sanadkii hore ahayd mid cajiib ah, waana sababta aan Dembélé u dooran lahaa.
Mo Salah mar walba wuu istaahila in la xuso, laakiin guulihii PSG ee xilli-ciyaareedkii hore ayaa miisaanka u rogay Dembélé, anigana codkeyga isaga ayaan siin lahaa.”
Dembélé ayaa xilli-ciyaareedkii hore dhaliyay 35 gool isla markaana bixiyay 16 caawin, isagoo gacan weyn ka geystay in kooxda uu hogaamiyo Luis Enrique ay ku guuleystaan UEFA Champions League, Ligue 1 Faransiiska, UEFA Super Cup iyo French Cup.