XIGASHO LAACIB.NET
Weeraryahankii hore ee Manchester United, Michael Owen, ayaa sheegay inuu la yaabay go’aankii tababare Michael Carrick ee ahaa inuusan ku bilaabin Matheus Cunha kulankii Arsenal, inkastoo uu si heer sare ah uga soo muuqday ciyaartii ay guusha ka gaareen Manchester City maalmo ka hor.
Cunha ayaa kursiga kaydka ka soo baxay, wuxuuna dhaliyay goolka guusha ee Red Devils ay ku garaaceen Arsenal 3–2 Emirates Stadium Axaddii, isagoo badel kusoo galay daqiiqaddii 68-aad.
Guusha ayaa United u horseeday booska afarta sare ee Premier League kadib 23 kulan.
Owen ayaa amaanay Cunha isagoo yiri:
“Wiilkaan waa ciyaaryahan halis ah. Haa, mararka qaar waa wax aan la saadaalin karin, laakiin wuxuu leeyahay xawaare, wuxuuna dhaliyaa goolal.”
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray:
“Waxaa iga yaabisay inuusan ku bilaaban kulanka Arsenal, marka loo eego sida uu uga soo ciyaaray Manchester City. Laakiin waan fahmi karaa sababta Carrick uusan wax badan uga bedelin nidaamka.”
XIGASHO LAACIB.NET
