KATHMANDU (DAYNIILE.COM)-Mid ka mid ah Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa cilad soo wajahday xili ay hawada ku jirta kadib markii shalay ay ka soo duushay Magaalada Kathmandu ee Caasimadda Dalka Nepal oo ka tirsan Qaarada Assia islamarkaana deris la ah Dalka Inida.
Diyaarada oo siday 236 rakaab ah una socotay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkey ayay shaqalaha duulimaadka diyaaradu ogaadeen inuu dab qabsaday mid ka mid matoorada, waxayna ku guuleysteen inay si degdeg ah ugu dagaan Garoonka Diyaaradaha Netaji Subhash Chandra Bose ee magaalada Kolkata.
Warar kale ayaa sheegaya in duuliyaha diyaarada uu ka shakiyay in dab ka kacay matoorka midig ee diyaaradda taasina ay keentay in degdeg loo dejiyo diyaarada waliba si nabad ah sida uu cadeeyay Agaasimaha Garoonka Diyaaradaha Kolkata, Vikram Singh.
Agaasimaha wuxuu intaasi ku daray in kabtanka diyaarada uu iyaga la soo xiriiray marki ay cilada ka war heleen ,wuxuu tilmaamay in markii Garoonka ay ku soo degatay ay si nabad ah uga daabuleen 236 dad ah oo diyaaradu u siday dhanka Magaalada Istanbul.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
