Qaar ka mid ah ardayda wax ka barata Jaamacadda Accord faraceeda Muqdisho ayaa ka codsaday maamulka Jaamacadda in la abuuro fagaare lagaga dooddo mowduucyada xasaasiga ah ee dalka ka dhacaya, qaasatan kuwa quseeyo masiirka & mustaqabka dalka.
C/naasir oo ka mid ah ardayda wax ka barata Jaamacadda, wuxuu sheegay in ay doonayaan fagaare la mid ah fagaaraha Jaamacadda Oxford London.

“Anigoo ah C/naasir C/llaahi, kana mid ah ardayda wax ka barata Jaamacadda Accord faraceeda Muqdisho waxaan u gudbinay maamulka Jaamacadda dalab ku saabsan in la sameeyo fagaare lagu gorfeeyo mowduucyada xasaasiga ah ee dalkeena ka dhacaya, si la mid ah Jaamacadda Oxford oo leh fagaare lagu martiqaado mas’uuliyiin kala duwan, iyada oo laga doodayo xaalado markaas u baahan in laga hadlo” Ayuu yiri C/naasir C/llaahi, wuxuuna intaasi ku daray in Jaamacadda Accord kaga duwan tahay Jaamacadaha kale in ay adeegyada waxbarashada ee ay bixiso yihiin kuwa la jaan-qaadi kara Jaamacadaha caalamka.
“Dalkaaga marka ay laxa-jeclo kaa hayso waxaa maskaxdaada ku soo dhacaya wax kasta oo aad u aragto in dhibaatada lagaga bixi karo. Rajada dalku wuxuu ku xiran yahay jiilasha cusub ee wax bartay, waxaana nagu waajib ah inaan su’aalo badan isweydiino, kaddib na aan jawaabo sax ah u helno” Ayuu yiri C/naasir, wuxuuna intaasi sii raaciyay in ay waajib diini ah ku tahay in muwaadin kasta ka qeybqaato looga gudbi karaa habsanka innagu dhacay.
“Madax iyo mas’uuliyiin aan lala xisaabtamin, waa waxa waddankeena kheyrkiis ka reebay, waxaan dhiiragelineynaa sareynta sharciga & in hormuudka bulshada oo ay aqoonyahanadu ku jiraan in ay dalkooda u hiiliyaan” Ayuu yiri C/naasir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here