Mid ka mid ah shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Kaamil Cabdi Mocow ayaa bartiisa Facebook wuxuu ku soo qarxiyay dagaal hoose oo maanta ka dhex qarxay isaga iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqidhso Xasan Maxamed Xuseen Muungaab kaasoo qarka u saaran inuu sababo inuu shaqadiisa ku waayo.
Kaamil Cabdi Mocow wuxuu shaaciyay in maanta Duqa Muqdisho uu u soo jeediyay inuu ku biiro xisbiga JSP ee Madaxweyne Xasan uu hogaamiyo balse uu ka diiday ,wuxuu tilmaamay Kaamil inuu u sheegay Muungaab in xeerarka shaqaalaha Dowlada uu ka soo horjeedo inay ku biiraan xisbi siyaasadeed.
“Waxaa maanta is macsalaameynay Duqa Caasimada kadib markii aan isku fahmi weynay rabitaankiisa qofeyd” ayuu yiri Kaamil
“Duqa waxa uu iisoo bandhigay ku biiristay Xisbiga JSP anne waxaa hordhigay dood sharci oo oraneyso “ qofka shaqaalaha ah waxaa ka reebban in uu xil ka qabto xisbi siyaasadeed inta uu hayo shaqada dowlada “ sida ku cad xeerka shaqaalaha”ayuu mar kale ku yiri qoraalkiisa facebook.
Si kastaba qoraalka halkaan ka akhriso isagoo sidiisa u qoran:-

