HomeWarkiiMid ka mid hogaamiyayaasha kooxaha Yeman oo isagoo baxsad ah Soomaaliya maray...

Mid ka mid hogaamiyayaasha kooxaha Yeman oo isagoo baxsad ah Soomaaliya maray ka hor inta uusan iska dhiibin Imaaraadka

Mid ka mid ah Hogaamiyayaasha hubeysan ee dalka Yemen Caydaruus Al-Zubeydi islamarkaana ay Imaaraadku taageeraan ayaa markii looga adkaaday dagaalada Yemen wuxuu u baxsaday dhabka Dalka Imaaraadka balse waxaa la sheegay inuu Somalia maray intuu safarka baxsadka ah ku jirey

Caydaruus Al-Zubeydi oo ah Hoggaamiyaha Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta Yemen,ayaa isku maray Magaalooyinka Berbera iyo Muqdisho kadibna wuxuu u gudbay oo hada uu magangalyo siyaasadeed ku joogaa Magaalada Dubai ee Xarunta Dalka Imaaraadka Carabta.

Sarkaalkaan oo baxsad ka ah ciidamada Dowlada Yeman e Caalamku aqoonsan yahay islamarkaana taageerada Milateri ka hesha Sacuudiga ayaa diiday shir dib u heshiisiin oo loogu yeeray Magaalada Ridadh ee xarunta Boqortooyada Sacuudiga kadib markii uu ka baqay in Sacuudigu xiro kadibna u gacan geliyo Dowlada Yemen.

Xiisad siyaasadeed ayay dhex dhigtay labada dal carbeed ee Sucuudiga iyo  Imaaraadka Carabta kuwaasoo isku haya arinta Dalka yemen iyagoo garab kala siinayay dhinacyada dalkaasi isku haya inkastoo ugu danbeyn Imaaraadka looga guuleystay dagaalada Yeman.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -